Magaalada Muqdisho ayaa waxaa goordhoweyd Israsaaseyn xoogan ku dhexmartay Ciidamo uu watay Gen. Sheegoow oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Xoogan dalka Soomaaliya iyo Ciidamo Boolis ah,taasi oo ka dhacday Isgoyska Seybiyaano ee Degmada Hoden ee Gobolka Banaadir.
Israsaaseynta labada dhinac dhexmartay ayaa timid kadib markii Ciidamo uu watay  Gen. Sheegoow oo saarnaa Gaari Cabdi Bile ah ay isku dayeen in ay xoogan ku maraan Koontarool ay ku sugnaayen Ciidamo Boolis ah kaasi yaalla Isgoyska Seybiyaano,isla markaana uu muran soo kala dhexgalay,waxaana ka dhashay Khasaaro.
Dad goobjoogayaal ah oo ku sugnaa Goobta ay ka dhacday Israsaaseynta ayaa waxa ay inoo sheegeen in Khasaaro uu ka dhashay israsaaseyntaas waxaana ku dhaawacmay Saddex ruux,iyadoona la sheegay in mid kamid ah dhaawcyada ay tahay Haweyney.
Sidoo kale waxaa la sheegay in Ciidamo kale oo ka tirsan dowlada ay goobta gaareen,waxaana hadda xaalada ay mid degan waxaana dib u soo laabtay isku socodka gaadiidka iyo dadka oo muddo kooban hakad galay.