Sawirro:-Maxaa looga hadlay kulanka Maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalak Soomaaliya ayaa Maanta waxa ay kulankii 18-aad ee kalfadhiga 4-aad ku sheegeen Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa Shir guddoominaayay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad,waxaana kulanka soo xaadirtay 149 Xildhibaan.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalak Soomaaliya ayaa kulanka Maanta ay yeesheen waxa uu Ajendihiisu ahaa Saddex qodob oo kala ah.

Dhameystirka dooda  aqrinta labaad hindise sharciyeedka golaha mihnadlyaasha caafimaadka qaranka.

Aqrinta labaad hindise sharciyeedka wax ka badalka sharciga siyaasada maareynta maaliyadda ee dalka (PFM).

Qeybinta xeerka hay’adda duulista rayidka iyo saadaasha hawada.

Xildhibaanada ayaa ugu horeyn mar kale ka dooday sharciga golaha mihnadlayaasha caafimaadka qaranka oo ay soo diyaarisay wasaarada caafimaadka.

Qaar ka mid ah xildhibaanadii kulanka ka hadlay ayaa soo jeediyay in qodobo muhiim ah lagu daro wax ka badalna lagu sameeyo qodobada qaar ee sharcigaan si muwaadiniinta soomaaliyeed ay u helaan xarumo caafimaad oo tayo leh.

Guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee golaha shacabka ayaa xildhibaanada mar kale horgeeyay sharciga wax ka badalka siyaasada maareynta maaliyadda ee dalka (PFM) oo aqrintiisa labaad galay.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in guddiga ay ka sugayaan warbixinta aqrinta 3-aad.

Guddoomiye Mahad ayaa sheegay in xildhibaanada ay intooda badan ku raaceen guddiga qaabka ay warbixinta usoo diyaariyeen iyo sida ay u aqbaleen talooyinkii ay dhiibteen xildhibaanada.

Ugu dambeyn xildhibaanada golaha shacabka ayaa loo qeybiyay xeerka hay’adda duulista rayidka iyo saadaasha hawada oo ay soo gudbisay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media