Ciidamada Daraawiishta Maamulka Jubbaland ayaa waaberigii hore ee saakay dagaalamayaasha Al-shabaab kala wareegey deegaanka Jannaa Cabdalle ee Gobolka Jubbada Hoose.
Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in deegaankaas Al-shabaab u u ahaa mid muhiim ah oo in muddo ah ay ku sugnaayeen, isla markaana la sheegay in shabaab uu marin u ahaa isku socodkooda deegaanada koonfurta iyo Waqooyiga Jubbooyinka.
Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen inay deegaanka ka wadaan howlgal miino baaris ah, iyagoo tilmaamay in ay ka shakisan yihiin in lagu aasay miinooyin.
“Ciidamada ayaa ku guda jira sidii dadka Shacabka ah ay si Nabad ah ugu kala gooshi lahayeen wadada dheer ee xiriirisa Degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow halkaas oo dhibaato adag ay dadka Shacabka ah ugu gaysan jireen Al-shabaab” ayaa lagu yiri Qoraal lagu daabacay Warbaahinta gaarka ah ee Jubbaland.
Deegaanka Jannaa cabdalle ee Gobolka Galgaduud ayaa Magaalada Kismaayo u jirta masaafo dhan 60KM halka isla masaafadaas ay u jirto degmada Afmadow taas oo ka dhigan barta kala barta labada degmo.