Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Bulshada Degmada Mahaddaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Saalax Fuleel Xaaji ayaa warbaahinta u hdasha Afka Dowladda u sheegay in gebi ahaan ay Go’een waddooyinka soo gala degmadaas.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhul aad u baaxad weyn oo Beero ah ay goysay fatahaadda Webiga, wuxuuna hay’adaha ku shaqada leh ugu baaqay in ay gurmad lasoo gaaraan Dadka ay saameysay fatahaadda.
Saalax Fuleel Xaaji ayaa intaa ku daray in dadka ka yimaadda meelaha ka baxsan Degmada ay biyaha lug ku soo jiiraan, maadaama aysan Gawaaridu sahal ku geli karin, inkastoo haatan uu sheegay in ay sii yaraanayaan Biyahaan ka dhashay fatahaada webiga.
Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiyaha ayaa waxaa uu tilmaamay in Khasaaro kala duwan uu ka dhashay fataadda Webiga Shabeelle uu ka geystay Degmada Mahaddaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in maamulka Hirshabeelle iyo hay’adaha gargaarkuba aysan wax gurmad ah gaarsiin Degmada Mahadaay, kuwaas oo wajaheya xaalado kala duwan oo ka dhashay fatahaadda Webiga Shabeelle.