Waxaa soo baxaya xildhibano horleh oo ka tirsan Baarlamanka galmudug oo ka soo horjeeda heshiiskii ay Muqdisho ku kala saxiixdeen Ahlusuna iyo Galmudug iyo wadahadaladii loo tegay dalka Jabuuti.
Xildhibaanada qaarkood ayaa ka qeyb galay shirkii ka dhacay dalka Jabuuti waxaana ka mid ah xildhibaan Food Xasan Xuseen,waxa uuna sheegay in heshiiskaas ay gebi ahaanba ka soo horjeedaan
Waxa uu sheegay in isagu uu ka qeyb galay Siminaar looga hadlayay dib u heshiisiin kaas oo loo qabtay Madaxda Galmudug iyo Ahlsuna,islamarkaana ay jireen heshiisyo hoose ay xildhibaanada banaanka ka joogeen.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Muqdisho markii la yimid sidoo kale la galay heshiis aan lagala tashan xildhibaanada ha’ahaato awood qeybsigii halkaasi ka dhacay.
Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in Jabuuti aan loo tegin heshiis dhexmara Glmudug iyo Ahlusuna,balse ay iyagu u tageen Siminaar,sidoo kale intii Jabuuti la  joogay ay dareemeen in ay jiraan hesheesyo hoose oo aan loo soo bandhigin sababtaasna ay ku diidan yihiin qodobadii soo baxay.
Gaba gabadii waxa uu sheegay in xildhibaano dhowr ah oo ay Maanta soo saareen qodobada oo dhameystiran ku sheegeen in shirkaas uu yahay mid aan wadadii saxda aheyd loo marin isla markaana lagu burburinayo Galmudug sida uu hadalka u dhigay.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Xildhibaanka oo dhameystiran.