Tirada Guud ee dadka la xaqiijiyey inuu ku dhacay Caabuqaasi ee ku nool dalka Norway waxay gaarayaan 4,655 qof, iyadoo tirada guud ee dhimashada gaarayso 32 Bukaan, oo celcelis ahaan da’doodu tahay 84-jir.
In ka badan 20% ee dadka Muhaajiriinta ee laga daaweeyey COVID 19 waxaa la sheegay inay Soomaali yihiin, sida laga soo xigtay Machadka Caafimaadka Dadweynaha ee dalka Norway ee loo soo gaabiyo FHI.
Madaxa Guud ee Khubarada Dhakhaatiirta ee Caasimadda dalka Norway ee Oslo, Tore Steen Waxa uu Walaac xooggan ka muujiyey mashaakilka tirada Infekshinada ee ku soo kordhayso Degmooyinka Stovner, Gamle Oslo iyo Alna, iyadoo ay dhamaan ku xooggan yihiin joogitaanka Muhaajiriinta.
Waxa uu intaasi ku daray inay xaqiiqo tahay in Muhaajiriinta dhexdooda u muuqato inuu Infekshinada ku badan yahay dadka Soomaalida.
Warbaahinta Dowladda Norway ee NRK waxay baahisay in ka badan 829 Muhaajiriinta shisheeyaha ee ku nool dalkaasi laga daweeyey Caabuqaasi, kuwaasi oo in ka badan 200 ay Soomaali yihiin.
Si kastaba ha ahaatee, Jaalliyada Soomaalida ee ku nool dalka Norway waxaa lagu qiyaasaa 400,000 oo qof, waana Jaalliyadda 3-aad ee ugu dadka badan dalkaasi, marka laga soo tago dadka ka soo jeeda dalalka Poland iyo Lithuania (Lithweeniya).