Ciidamada Galmudug oo Gacanta ku dhigay Dadkii ka danbeeyey dilka Gabar todobo Jir ah

Ciidamada amaanka ee maamulka Galmudug oo saacdihii la soo dhaafay howlgal ka sameeyey magaalada Cadaaado xarunta KMG ee maamulkaas ayaa soo qabtay dadkii danbeeyey dilka Gabar 7-jir ah oo medkeeda iyada oo gowracan lasoo dhigay Magaaladaasi.

Saraakiisha ciidamada Galmdug ayaa usheegay Warbaahinta inay gacanta ku dhigeen laba Ruux oo lagu tuhmaayo dilka gabadhaasi yar kadib howlgal ciidamadu ay kusoo qabteen Labadaasi eedeysane.

Falkaasi naxdinta leh ayaa ka dhacay magaalada Cadaado,  iyada oo Bulshada dagan magaaladaasi ay ka nexeen qaabka loo dilay Gabadhaasi oo la sheegay in lagowracay kadibna lagu soo tuuray Magaalada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media