DHAGEYSO:- Hooyo ay soo Sal kicisay Abaarta oo dalbatay in la caawiyo

In ka badan Lix Million oo qof oo ku sugan gudaha Somaliya ayaa u baahan gargaar Bani’aadanimo sida ay sheegeen hay’adaha samafalka.

Dadkaas waxaa  Aafeeyay abaaro ka dhashay roobabka oo aan in muddo ah da’in iyo keyd biyo oo aan jirin.

Meelo badan waxaa la soo wariyey in abaartu u muuqato inay isu bedeleyso Macluul, digniino ayaana soo baxaya.

Qoysaska qaar markii ay ku noolaan waayeen miyiga waxay soo beegsadeen magaalooyinka waaweyn oo ay Muqdisho ku jirto.

Raxmo Sheekh Cabdi, waa hooyo wadata  Lix caruur agoon ah oo ay kala soo baxsatay magaalada Buulo Burde.

Waxay halkaasi ku ahayd xoogsato Biyaha ku aroorta dusheeda.

Haatan waxaa ay iyada iyo carruurteeda ku noolyihiin duruufo qallafsan, maxaa yeelay ma heystaan hoy, hunguri iyo hu’.

Waxay soo booqatay daarta Radio Dalsan si aan sheekadeeda ugu bandhigno samafalayaasha iyo kuwa damqada.

Waxay sheegtay gabar ay walaalo yihiin oo ay u martisay inay ku wargelisay inaysan xamili Karin duruufteeda, Macrifo iyo ehel kalena aysan ka garaneyn magaalada, oo ay haatan bannaan yaal u yihiin iyada iyo carruurteeda qorraxda iyo qabowga.

Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayey sheegtay inay ka codsaneyso dadka Somaaliyeed in loo gurmado.

Halkaan Hoose ka dhageyso Warbixinta .

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media