Ciidamada dowladda oo howlgal ka wada Jowhar

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal ka wada duleedka Magaalada Jowhar kadib markii xalay qarax Miino iyo dagaal toos ah lagu qaaday Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo marayay qeybo kamid ah duleedka jowhar.

Ciidamada ayaa howlgalka ka wada deegaanka Kili-maseerow, ee duleedka jowhar halkaas oo ah goobtii qaraxa lagula eegtay dagaalkuna uu ka dhacay sida uu radio dalsan u sheegay qof kamid ah dadka deegaanka.

Ciidamada ayaa baaraya gaadidka maraya Wadadaas iyo Xaafadaha qaar halka mararka qaarkood ay dadka socotada ah baarayaan.

Weli lama shaacin dad ay howlgalkaas ciidamadu ku qabteen balse waxaa lagu soo waramayaa in Ciidamadu ay goobta ka dhigteen fariisin,iyadoona Saraakiisha ciidamada dowladda xiriir aan la sameynay ayna noo suurtagelin si aan wax uga weeydiino howlgalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media