Maamulka Soomaliland ayaa ka jawaabay sababtii ay Ciidamada Laanta Socdaalka Maamulka Soomaaliland Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa ugu diideen in uu ka dhoofo Soomaliland,isagoo watay Baasaboorka Diblomaatiga ee Soomaaliya.
Wasiiru dowlaha Wasaarada arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Muuse diiriya ayaa sheegay in Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa uu kamid yahay Muwaadiniinta Reer Soomaaliland balse lagu arkay Baasaboor Soomaali ah kaas oo u doonayay in uu kaga dhoofo Magaalada Hargeysa taasna aysan aqbaleyn.
Waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in Soomaaliland uu yahay dal Soomaaliya inteeda kale ka go’ay islamarkaana aanan lagu arki Karin cid wadata Baasaboorka Soomaaliya.
Sikastaba Ismaaciil hurre Buubaa oo horay u soo noqday Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa xiliga la xayiraayay waxa uu watay Baasaboorka Diblomaatiga ee Soomaaliya isagoo ku sii jeeday dalka Kenya Balse Ciidamada Soomaaliland ay diideen in uu ka dhoofo Garoonka Magaalada Hargeysa..
Hoos Ka Dhageyso Codka