Wararka laga helayo deegaano ka tirsan Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi Maanta uu dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.
Dagaalkan ayaa sigaar ah uga dhacay tuulooyinka Dhoobley, Gergilis, Hila Ari iyo Bakal oo qiyaas ahaa 25 KM dhinacyada Waqooyi iyo Bari ka xiga Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo,waxaana ka soo baxaya warar kala duwan.
Dadka deegaanka ayaa waxaa ay sheegeen in maqlayeen rasaas culus oo labada dhinac ay is weeydaarsadeen,isla markaana waxaa la arkayay Muuqaallo laga soo duubay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo aad u badan.
Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha ka dhashay dagaalkii Maanta ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Gedo,kaasi oo u dhexeeyay Ciidamada dowladda iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.