Waalidiinta Soomaalida ah ee ku dhaqan gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa walaac xooggan ka qaba dilalka ay dhalinyarada isu geystaan oo dib usoo cusboonaaday, iyadoo hadda ay jirto cabsi dheeri ah.
Khudbaddii Jimcada ee shalay laga jeediyay Masjidka Abuubakar ee magaalada Minneapolis ayaa looga hadlay arrintan, waxaana Alle looga baryay inuu kala maslaxo dhalinyarada Soomaalida ah ee usoo jeestay inay is laayaan.
Bishii May ee dhammaatay waxaa dhacday 8 toogasho, waxaana la dilay 2 wiil oo kamid ah Soomaalida ku dhaqan gobolka Minnesota.
16-kii bishii lasoo dhaafay, waxaa magaalada Minneapolis lagu dilay wiil lagu magacaabi jiray Shuceyb Aadan, kaasoo sida la sheegay sannadkii lasoo dhaafay dhammeeyay waxbarashada Jaamacadda.
31-kii May, saqdii dhexe ee habeenkii Jimcaha, waxaa sidoo kale la dilay Xasan Ibraahim, oo da’diisa lagu sheegay 26 jir.
Dilalkan oo mar hakad galay ayaa hadda dib usoo cusboonaaday, waxaana la sheegayaa in dhallintu ay koox koox isu dilayaan, iyagoo mararka qaarna isu bartilmaameedsada xaafad xaafad.
Waxaa sii kordhaya walwalka ay arrintan ku heyso jaaliyadda Soomaalida Mareykanka.
Cabsida ugu weyn ee hadda la qabo ayaa ah in la galayo xilligii kuleylaha, oo iskuullada la xirayo, dhalinyaraduna ay isu heli karaan firaaqo buuxda.
Ma jiro dadaal muuqda oo loogu jiro sidii xal loogu heli lahaa dhibaatadan, maadaama aan la ogeyn meel loogu hagaago, isla markaana aysan jirin kooxo is horfadhiya oo lala hadlo.