Waxaa mudo ka badan 30 Daqiiqo xiran Isgoyska Ceelgaabta ee degmada Xamarweyne ee Gobolkaan Banaadir Kadib markii halkaasi lagu arkay Gaari weyn oo laga shakiyay.
Gaari Nooca ay Soomaalida u taqaano Candhamedlaha ayaa yaalla halkaasi kaas oo looga shakisan yahay in ay ka buuxaan waxayabaha qarxa taas oo keentay in Ciidamadu wadada xiraan.
Dadka ka agdhow Goobta uu yaallo Gaariga ayaa waxa ay dalsan u sheegeen in Darawalkii waday Gaariga oo ka maqnaa in markii dambe uu yimid haatana Ciidamada amniga ay Su’aalo weeydiinayaan.
Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com