Cayaarta kama dambaysta ah ee u dhaxaysa degmooyinka Waaberi iyo Shibis ayaa hadda ka bilaabatay garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir Stadium.
Waaberi ayaa difaacanaysa koobka loo tartamayo, halka shibis ay tahay markii ugu horraysay ee ay 40 sano soo gaarto cayaar kama dambays ah.
Cayaar ka horraysay, ayaa degmada Hodan waxay 6-1 ku maquunisay degmada Shangaani, ayadoo sidaasna kaalinta seddexaad ku gashay.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Caawa Goobjoog ka ah Ciyaarta kama dambeysta ah ee degmooyinka Waaberi iyo shibis ee Magalada Muqdisho.
Natiijada iyo hadba wixii ku soo kordha halkan kala socda Radiodalsan.com