Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in lagu dilay degmadaas laba ka mid ah ergadii soo dooradatay xildhibaanada golaha Shacabka.
Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in labada Ergo lagu kala dilay,isla markaana ay ku sugnaayeen xaafadaha Ceel Qoday iyo Daahisoy ee degmada Afgooye ee G/Shabeellaha Hoose.
Kooxo watay Mooto sida la sheegay ayaa Xaafada Ceel Qoday,waxa ay ku dileen Xasan Caalim,halka sidoo kale Aamin Mayow oo iyana Eggada ka mid aheyd lagu dilay Xaafada Daahisoy.
Dadkii ka dambeeyey dilkaas ayaa lagu soo waramayaa inay goobta ka baxsadeen,waxaana gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya kuwaas oo haatan howlgallo baaritaano ah ka wada.
Dilka degmada Afgooye loogu geystay laba ka mid ah ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha shacabka gaar ahaan kuwii lagu doortay Magalada Baydhabo ayaanan weli ka hadlin Maamulka degmada iyo laamaha amniga degmadaas.