Cali Maxamed Geedi oo Muqdisho uga dhawaaqayo Xisbi Mucaarad ah

Cali Maxamed Geedi Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah shaaciyay inuu sameeysan doono Xisbi Mucaarad ah oo kamid  noqonaya Asxaabta Siyaasadeed ee dalka ka jira.

Cali Maxamed Geedi ayaa waxaa uu sheegay inuu dhawaan Magaalada Muqdisho uga dhawaaqi doono Xisbi Mucaarad ah oo isaga hogaamiye uu ka yahay,isla markaana loo dhameystiray waxkasto oo Xisbi looga baahnaa.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Geedi oo ka qeyb galay Munaasabad Maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho oo lagu taageeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayuu ka sheegay inuu sameeysan doono Xisbi uuna hogaamin doono.

Ugu dambeyntii Cali Maxamed Geedi ayaa tilmaamay in Xisbiyada siyaasadeed ay sharci yihiin,kuwaasi oo uu xusay in Baarlamaanka Soomaaliya  ansixiyeen dalkana ay ka jiraan Xisbiyo farabadan.

Si kastaba Xisbiga Cali Geedi ayaa waxaa uu kamid noqonayaa Xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira,isla markaana qaarkood ay aad u dhaliilaan Siyaasadda dowladda Madaxweyne Farmaajo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media