Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland oo baaq loo diray

Kadib markii xalay Wasaaradda Arrimaha  Gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo saartay qorshaha soo xulista Xubnaha Baarlamaanka iyo Doorashada Jubbaland ayaa waxaa arrintaas ka hadlay Waxgaradka iyo Aqoonyahanada Soomaaliyeed.

Waxgaradka iyo Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in wada-hadal lagu dhameeyo Khilaafka u dhexeeya maamulka Jubbaland iyo dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Waxgaradka ayaa ka digay saameyn ka dhalan karta Qoraalkii ay soo saartay  Wasaaradda Arrimaha  Gudaha oo ay ku sheetay inuu ahaa  habraaca soo xulista xubanaha Baarlamaanka labaad iyo Doorashada Madaxweynaha Jubbaland.

Si kastaba Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa qaadey talaaboyin dhowr ah oo ay ku cadaadineyso maamulka Jubaland, kuwaas oo qaarkood saameyn ku yeeshey shacabka degen Jubooyinka, sidoo kalena dhalisey culeys laga maarmi karey oo bulsho iyo siyaasadeed.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media