Sawirro:-RW Kheyre oo Muqdisho uga qeyb galay Munaasabad lagu Xusayo Maalinta Midowga Germany

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa Muqdisho uga qayb galay munaasabad lagu xusayay maalintii ay jamhuuriyaddii federaalka Germany iyo Jamhuuriyaddii Dimuquraadiga Germeny ay ku midoobeen hal dowlad iyo hal calan.

October 3, 1990, ayaa jamhuuriyaddii federaalka Germany iyo Jamhuuriyaddii Dimuquraadiga Germeny waxa ay ku midoobeen dowaldda federaalka Jarmalka, waxaana sannad waliba, bisha October laga xusaa gudaha dalka Germany iyo safaaradaha ay adduunyada ku leeyahay, waxa uuna Ra’iisul Wasaaruhu Jarmalka ugu hambalyeeyey soddonka sano oo midnimada ah.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay in dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ay Germany ka baranayaan sida qaran loo mideeyo xilliga ay adagtahay, sida dhibaatooyinkii dhacay loogu bedelo mustaqbal barwaaqeysan, qorshaha dadka leesugu keeno, looguna sameeyo bilaaw cusub oo wanaagsan, khibradda federaalka, qaybsiga kheyraadka iyo dhismaha hannaanka looga gubo kala qaybsanaan soddon sano jirsatay.

Dowladaha Soomaaliya ayaa xariir iyo iskaasho xooggan oo soo jireen waxa ay la leedahay dowladda Germany oo kamid deeq bixiyaasha taageera dowladda, sidoo kalana dalkeeda kusoo dhaweysay kumannaan qoysas Soomaaliyeed ah oo dalka ka tegay xilligii ay xumeyd.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media