Wargeyska Axadlaha ee The Sunday Times ee ka soo baxa London ayaa maanta qoray in Boqoradda Britain, Queen Elizabeth ku casuumi doono Donald Trump inuu sannadka soo socdo booqasho rasmi ah ku yimaado dalka Britain.
Wargeyska ayaa ka soo xigtay Labo Wasiir iyo Sarkaal Sare oo ku dhow Xafiiska Downing Street ee looga taliyo Britain ayaa sheegay in Wada-xaajood u dhexeeya Saraakiisha Britain iyo Kooxxda Donald Trump si degdeg ah lo oqaban doono, si loogu shaaciyo taariikhda rasmiga ee ay Booqashadiisa dhacayso.
Waxaa la hadal-hayaa in la isku raaci doono in booqashadda Madaxweynaha cusub ee Maraykanka ku tegayo Britain noqoto bisha june ama July ee sannadka soo socda.
Britain waxay doonayaan inay xoojiyaan Xiriir Khaas oo ay la yeeshaan Dowladda Maraykanka, iyadoo Xukuumadda Ra’isul-wasaare Theresa May u diyaar garoobayso sidii ay Britain uga bixi lahayd Ururka EU-da.
Dhinaca kale, Ra’isul-wasaare Theresa May waxay isbuucan khadka Telefoonka kula hadashay Donald Tump oo ay ka wada hadleen booqashadiisa soo socota.
Donald Trump ayaa sheegay in hooyadiisa oo ka soo jeedo Scotland ay taageero weyn u ahayd Boqoradda Britain, wuxuuna ka codsaday Theresa May inay Boqorada ka gaarsiiso salaantiisa wanaasgan.
©Radio Dadban