Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa Maanta shaaciyay in la joojiyay booqashadii loogu imaan jiray Maxaabiista kala duwan ee ku xiran xabsiga dhexe ee xamar sababo la xiriira ka hortega Cudurka halista ee Coronavirus.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu u sheegay in lagu amray inay joojiyaan dadkii booqashada ugu imaan jiray Maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe ee Xamar iyo Xarunta SPC.
Waxaa uu sheegay Taliye Cabdiraxmaan Aadan in Albabaabka laga galo Xarunta Xabsiga dhexe ay Wasaaradda Caafimaadka keeni doonto dhaqaatiir Caafimaad si loo baaro qof kasta oo dooneysa inay gasho Xarunta Xabsiga.
Isaga oo sii hadlaayay Taliyaha Ciidanka Asluubta ayuu sheegay in booqashada Maxaabiista la joojiyay muddo laba todobaad ah si looga hortega faafida Cudurka halista ee Coronavirus oo qof qaba laga helay Muqdisho, kaasi oo ka yimid dalka dibadiisa.
Dowladda Federaalka ayaa tan iyo markii ay sheegtay in qof qaba Cudurka halista ee Coronavirus laga helay Muqdisho waxaa ay bilowday dadaalo dhowr ah oo looga hortegayo faafida Cudurda oo dalal badan oo dunida ku yaalla fara ba’an ku haaya.