Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta Xaruntood ee Magaalada Muqdisho ku sheegay Kulankii 30aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Aqalka Sare.
Ajandahu ahaa ayaa waxaa uu ahaa Akhrinta 2aad ee Hindise -sharciyeedka Istaatistikada Qaranka.
Kulanka waxaa shir guddominayay Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi oo ay wehliyaan Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Moowlid Xuseen Guhaad.
Waxaa hor-yimid Golaha Aqalka Sare Wasiirka Wasaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Jamaaal Maxamed Cusman iyo Xubno kale oo kasocda Wasaarada.
Guddiga Arrimaha Dibedda Qorsheynta, maalgashiga iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Golaha Aqalka Sare ayaa ka hor akhrisay Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hibdise-sharciyeedka Istaatistikada Qaranka
Senarada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaluya ayaa Akhrinta 2aad marsiiyay Hibdise-sharciyeedka Istaatistikada oo ay dood ka yeesheen.