Ciidamada Booliska Caasimadda Garoowe ee Maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay maandooriye si qarsoodi ah lagu soo galiyay degaanada Maamulkaasi iyo sidoo kale dadkii watay.
Taliska Booliska ayaa soo bandhigay Khamri farabadan iyo Gaari siday, waxaan alagu soo bandhigay Saldhigga Galbeedka Magaaladaasi garoowe.
Xiddigle Cabdullaahi Cali Wadaad (Qoob) oo ah Taliye ku xigeenka Saldhigga ayaa warbaahinta kaga warbiyay Khamriga ay soo qabteen Ciidanku, waxaana uu sheegay in ay gacanta ku hayaan dadkii ku lugta lahaa Maandooriyaha, balse waxaa uu xusay in qaar ka mid ah dadkii waday Khamriga ay ka baxsadeen.
Waxaa uu intaasi ku daray in ay baadi goob ugu jiraan sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen raggaasi baxsaday ee Magaalada Khanriga soo galiyay, waxaan uu digniin u diray shaqsiyaas uu sheegay in ay ku howlan yihiin sidii degaanda Puntland ay u soo galin lahaayeen maandooriyaha.