Banaanbax looga horjeedo weerarkii Ciyaartoyda KGS oo ka socda Baydhaba

Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya  ayaa waxaa goordhow ka bilowday Banaanbax xoogan oo ay dhigayaan dadka deegaanka Magaaladaas.

Boqolaal qof ah oo isugu jira dhalinyaro, Haween iyo Caruur ayaa  isugu soo baxay bartamaha Baydhabo, kuwaasi oo siweyn uga soo horjeeda weerarkii maalin kahor lagu qaaday gaari ay la socdeen Ciyaartooydii meteleysay Koonfur Galbeed, kaasi oo ka dhacay Muqdisho

Dadka dhigaaya banaanbaxa ayaa ku qeylinaya erayo ay kamid yihiin doonimeyno Gobolka Banaadir, doonimeyno Cadaalad darro iyo erayo kale oo ka dhan ah Maamulka Gobolka Banaadir.

Qaar kamid ah banaanbaxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay inay aad uga xun yihiin weerarkii lagu dhaawacay Ciyaatooydii Koonfur Galbeed uga qeyb gashay tartanka maamul Goboleedyada dalka iyo  Gobolka Banaadir.

Sidoo kale banaanbaxayaasha ayaa sheegay in Ciyaartooyda Koonfur Galbeed aysan marti ku aheyn Muqdisho, isla markaana dowladda Federtaalka ka dalbaday inay si deg deg ah uga Jawaabto weerarkii lagu qaaday Ciyaartooydii, kuwasi oo la sheegay inay weerareen taageerayaasha xulka Gobolka Banaadir.

Qaar kamid ah Ciyaartooydii ka socotay Koonfurt Galbeed ayaa waxaa dhaawacyo fudud kasoo gaaray weerarkii loo adeegsaday dhagxaanta ee lagu qaaday, xili ay kasoo baxeen Garoonka kubada Caggta Eng. Yariisow, kuwaasi oo la dhigay Xarun Caafimaad.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media