Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa kulamo kala duwan ka wada magaalada Adis-Ababa ee Caasimadda Itoobiya.
Farmaajo ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni, Waxaana ay ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga ammiga, dhaqaalaha iyo arrimaha Gobolka, iyaga oo xoojiyey iskaashiga dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.
Sidoo kale waxaa uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya รย Maxamed Cabdullaahi Farmaajo magaalada Addis-Ababa kulan doceed kula qaatay Raรขโฌโขiisul Wasaaraha dib loo doortay ee dalka Itoobiya Abby Ahmed.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arimo dhowr ah oo ku aaddan, xaaladda siyaasadeed ee Gobolka.
Madaxweynaha iyo Raรขโฌโขiisul Wasaare Abby Ahmed ayaa iska xog wareysteen xaaladda Gobolka Geeska Afrika iyo xiriirka labo geesoodka ah ee labada dal oo ay saldhig u tahay daris wanaag, isixtiraam iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.
Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay gaaray Adis-Ababa, waxaana uu halkaasi kaga qayb galay caleema saarka Raรขโฌโขiisul Wasaare Abiy Axmed oo mar kale loo dhaariyay RW Itoobiya, Isagoo khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyay Munaasabadda xildhaarinta, taasi oo uu kaga hadlay xaaladda guud ee Gobolka iyo xiriirka labada dal.