Madaxweynaha Puntland oo Jawaab deg deg ah ka bixiyay Guddiga uu Magacaabay ku xigeenkiisa

Waxaa haatan uu khilaaf xoogan ka taagan yahay Guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadke ee uu Magacaabay Madaxweynaha Puntland,waxana guddigaas qaadacay oo guddi kale Magacaabay Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Kadib shir ay Magalada Garoowe ku wada qaateen Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey iyo qaar ka mid ah musharixiinta Puntland ayaa waxaa lagu Magacaabay Guddi kale oo ah ansixinta iyo xalinta khilaafaadka Golaha Wakiilada Puntland.

Madaxweynaha Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa jawaab deg deg ah ka bixiyay Guddiga uu Magacaabay Madaxweyne ku xigeenka,isaga oo sheegay in arrintaan ay tahay mid Xamar looga soo dhiibay.

“Waa waali iyo shido xamar looga soo dhiibay oo uu puntland kula jiro,hayeeshee waxaan u sheegayaa in arrintaasi aysan waxba ka bedeleen hanaanka doorashada,waxaana ay ku dhaceysaa si nabad ah ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Arrintaan ayaa keeneysa khilaaf Cusub oo soo kala dhex galay hoggaanka Maamulka Puntland,xilli dhawaan la filayo in Puntland ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Maamulka Puntland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor