Booliska Kenya oo sheegay inay ku raad joogaan rag looga shakisan yahay Al-shabaab

Wargeyska The Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray inay Booliska La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixsadda ay hawlgal ka sameeyeen guri ku yaalla Deegaanka Nagombeni oo ka tirsan Gobalka Kawaale, halkaasi oo la tuhunsan yahay inay Dhallinyaro ka tirsan Alshabaab lagu tababarayey, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Taliyaha Boliska Kawaale, Tom Odera ayaa sheegay in 10 qof oo ku sugnaa gurigaasi ay baxsadaen, balse ay Booliska heleen qalab ciiddan, oo ay ka mid yihiin Tuutaha Ciiddaanka, kabaha Buudka, maqaro, Buugaag, iyo qalab laga farsamayn karo waxyaabaha qarxa, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Dhinaca kale, waxa uu Taliyahaasi amar ku bixiyey in la burburiyo gurigaasi iyo in la baadi-goobayo xubnaha la tuhunsan yahay inay deganaayeen gurigaasi.

Taliyaha waxa uu Saxafaadda u soo bandhigay wax uu ku sheegay qalabkii laga helay guriga ay dhallinyaro Alshaabaab ku tababar qaadan jireen, waa sida uu hadalka u dhigay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media