Ciidamada booliska ee dagmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa Gacanta kusoo dhigay Nin ay sheegen in looga shaki san yahay in uu Kufsi iyo dil ka gaystay Magaalada Caabud-waaq.
Ciidanka ayaa soo qabtay Jaamac maxamed yuusuf oo ay sheegen inuu yahay ninkii dilka iyo kufsiga u gaystay ubax maxamed macalin yaxye oo xalay lagu dilay duleedka dagmada Caabudwaaq, waxaana Marxuumaddu ay ahayd Gabar Dhalinyaro ah islamarkaana lahayd uur sida la sheegay.
Taliska Booliska Caabudwaaq ayaa ka warbixiyay ruux ay sheegeen in lagu tuhunsan yahay kufsi iyo dil hooyo maydkeeda laga helay duleedka magaalada Caabudwaaq, kaasi oo hadda gacanta lagu haayo sida Taliyuhu sheegay.
Dhamme Farxaan Xuseen Xasan oo ah Taliyaha saldhigga Booliiska Caabudwaaq ayaa warbaahinta ayaa sheegay in ay Ruuxa ay gacanta kusoo dhigeen ay ku tuhunsan yihiin in ka dambeeyay dilka Ubax Maxamed Yaxye, waxaa intaas uu ku daray in baaritaan dheer uu ku socda shakhsiga ay hayaan.