Faah faahin:-Qarax ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Gobolka Jubbada hoose

Wararka aan ka helayno Gobolka Jubbada Hoose ayaa ku warramaya in Qarax ay dad ku dhinteen uu ka dhacay Gobolkaasi, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan Qaraxaasi khasaaraha gaystay.

Wararku waxaa ay tilmaamayaan in Gaari Bas ah oo ka bxitimay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ay Miino kula qaraxday inta u dhexeysa Taabta iyo Dhoobley, waxaana lasoo sheegayaa Khasaaro xooggan oo soo gaaray dadkii gaariga saarnaa.

Inta la xaqiijiyay Todobo ruux ayaa ku geeriyootay, waxaana ku dhaawacmay tiro intaas ka badan sida wararku sheegayaan, waxaana dadka ku dhintay Qaraxaasi ka mid ahaa ilmo yar oo lix bilood jiray.

Laamaha ammaanka kama hadlin arrintaas, sidoo kale lama oga Cidda ka dambeysay Qaraxaasi lagu laayay dadka shacabka ah ee safarka ahaa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media