Abiy Ahmed oo ammaan u jeediyay Madaxweynaha  Eritrea

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo mar ahaa qof aan laga jecleyn Itoobiya ayaa xulafo dhow la noqday Ra`iisul Wasaaraha Itoobiya ee qaatay Biladda Nabadda ee Nobel Peace Prize, Abiy Axmed, isagoo ciidamadiisa u fidiyay taageeradii ay u baahnaayeen si ay ula dagaallamayaan kooxda (TPLF) ee gobolka Tigray, arrintan oo calaamad u noqotay isbeddelka siyaasadeed.

Khudbad uu goor dhow u jeediyay baarlamaanka Itoobiya, ayuu Abiy sheegay in Eritrea, oo ah dal milatari oo uu hal xisbi xukumo, ayaa quudinayay, oo siinayay dharka isla markaana hubeynayay ciidamada Itoobiya markii ugu horreysay ee ay soo weerareen TPLF ayna la wareegeen saldhigyadooda ku yaalla Tigray, oo ah gobol Itoobiya ku yaalla oo xad la leh Eritrea.

Mr Abiy ayaa sheegay in arrintaas ay suurto gal ka dhigtay inay laabtaan oo ay la dagaallamaan TPLF, oo ahaa dhaqdhaqaaq heystay 250,000 oo ciidamo ah, ilaa laga qaaday talada gobolka 28-kii November.

“Dadka Eritrea waxay inoo muujiyeen… inay yihiin qaraabo maalin adag na garab istaagtay,” ayuu intaas ku daray.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media