Ciidamada Booliiska Maamulka Soomaaliland gaar ahaan kuwa dembi barista ayaa waxa ay Gacanta ku dhigeen Nin u dhashay dalka Shiinaha oo ay ku eedeeyeen in uu sameyn jiray lacag Faalsa ah.
Howlgal ay ka sameeyeen Gudaha Magaalada Hargeysa ayaa ciidamadu qabteen Ninkan oo Saraakiishu ay ku edeeyeen in uu farsameynayay Lacag dollar ah oo been abuur ah, isla markaana Saacadihii u dambeeyay uu sameeyay lacag dhan 40,000$ (Afartan Kun Oo Dollar).
Mid ka mid ah Hoteelada Magaalada Hargeysa ayaa la shaaciyay in uu ninkaan deganaa,waxaan sidoo kale ay Ciidamadu qabteen dhamaan Shaqaalihii Hotelka kuwaas oo ciidamada ku soo wargeliyay in Ninkaan uu daabacayo lacago dollar faalso ah si uu dadka ugu dhaco.
Soomaaliland deegaanadeeda ayaa waxaa ku sugan dad badan oo Ajaanib ah kuwaas oo ka Shaqeeya Shirkado halkaasi ku yaalla halka Shirkado kale ay iyaga leeyihiin.