Taliska Booliska oo shaaciyay khasaaraha Qaraxii Is-miidaaminta ee Muqdisho

Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay khasaaraha ka dhashay Qarax Is-miidaamin ah oo Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo jugtiisa siweyn looga maqlay degmooyinka Gobolka.

Qoraal kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxaas dhacay uu fuliyay qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha Qarxa ah, isla markaana waxaa uu isku qaraxiyay Maqaayad shaaxa laga cabo oo ku taalla xaafadda saddexda geed gaar ahaan meel ku dhow Saldhiga degmada Shangaani.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah ayaa ka dhashay Qaraxaas Caawa ka dhacay Muqdisho, waxaana goobta gaaray gaadiidka gurmadka deg dega ah oo qaaday dhaawacyo.

Taliska Booliska ayaa xaqiijiyay in qaraxa ay ku geeriyoodeen 6 Ruux oo 4 dhalinyaro ay tahay uuna ku jiro Wiil Saqiir ah iyo Ninkii isku qarxiyay Maqaayada, isla markaana waxaa ku dhaawacmay 4 qof oo la geeyay Xarumo Caafimaad.

“Caawa abaare 19:00 fiidnimo, ayaa naftii halige isku qarxiyay goob shaah laga cabo, oo dhalinyaro isugu timaado, qasaaraha qaraxa ayaa ah 6 dhimasho ah (4 Dhalinyaro ah, 1 wiil saqiir ah iyo naftii haligihii) iyo dhaawaca 4 kale, barxada 5ta geed ee agagaarka Saldhiga Boliiska Degmada Shangaani. Alaha u naxariisto Ummadda aan waxba galabsan oo argagaixisadu weerartay” ayaa lagu yiri Qoraalka Booliska.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xiray aaga uu qaraxu ka dhacay, iyagoona gaadiidka iyo dadka u diidaya inay goobta ka Agdhawaan, waxaana sidoo kalena ay wadaan baaritaano.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor