Madaxweyne-ku-xigeenka Maraykanka, Kamaala Hariis waxay bilowga bisha soo socota ee  Agost booqan doontaa dalalka Singabore iyo Vietnam, si loo xoojiyo Xiriirkooda, loona ballaariyo Iskaashiga Dhaqaale.
Harris waxaa Madaxweyne-ku-xigeenkii u horeeyey ee Maraykan ah oo abid booqda dalka Vietnam.
Muddada ay booqanayso labadaasi dal waxay Hoggaamiyayaasha labadaasi dal kala hali doonta Arrimaha Ammaanka Gobalka, Isbedelka Cimilada, Ka-hortaga COVID 19 Â iyo Galaangalka Shiinaha ee dalalkaasi.
Safarkeeda waxa uu ku soo beegmay, iyadoo uu Xoghayaha Difaaca Maraykanka, Lloyd Austin soo gebagebeeyey socdaal uu ku tegay dalalka Singapore, Vietnam iyo Filibiin.