Sarkaal ka tirsan Boliska Kenya oo la hadlay Wakaalladda Wararka ee REUTERS ayaa sheegay in 3-dii gabdhood ee maalintii Axadda ee la soo dhaafay weeraray Saldhigga Dhexe Boliska magaalladda Mombasa ay xubno ka ahaayeen Kooxda Daacish.
Sarkaalka ayaa sheegay in Qoraal gacmeed laga helay gurigii ay deganaayeen Gabdhahaasi oo ay ku sheegeen inay u daacad yihiin Hoggaamiyaha Kooxda isku magacowda Dowladda Islaamka ee Daacish ama IS, Sheekh Abu Bakar Al-baqdaadi.
Qoraal-gacmeedka Gabdhahaasi ka tegeen oo ku qornaa Baal ka mid ah Buugta wax lagu qoro ayey ku muujiyeen inay daacad u yihiin Amiirkooda Daacish, Abu Bakar Al-baqdaadi.
Weriye ka tirsan Wakaalladda Wararka Britain ee REUTERS ayaa arkay Qoraalkaasi ay ka tageen Haweenkaasi oo magacyadooda ku sheegay Umma Maysarah, Umu Macbad iyo Umma Sacad.
Qoraalka waxaa kaloo ku qornaa: “Ogaada inay Askarta Daacish meel kasta joogaan. Dowladda Kenya ee wasaqda ah, ha u malaynina inaan illownay sida arxan-darradda lahayd ee aad u disheen Walaalaheenna. Waxaan ballan qaadaynaa inaan Haweenkiina ka dhigno Carmalo, halka Carruurtiina aan ka dhigayno Agoon”.
Weerarka ay Gabdhahaasi sheegtay inay ka tirsan yihiin Kooxda Daacish ka geysteen Saldhiga Dhexe Boliska Mombasa ayaa u muuqda kii ugu horreeyey ee ay Kooxda Daacish sheegato inay ka fuliyeen gudaha Kenya.
Dhinaca kale, Inta badan Weeraradda ka dhaca gudaha Kenya waxaa sheegta Xarakadda Alshabaab, inkastoo ay Kooxda Daacish sheegteen inay ka mas’uul yihiin Weerarkii Axadii hore ka dhacay Mombasa waxaa sheegatay Kooxda Daacish, sida ay Wakaalladda Wararka AMAQ ee jaalka la ah Daacish baahisay Talaadadii la soo dhaafay.
©Radio Dalsan