Shalay oo Khamiis ahayd, 3 maalmood kadib, markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iclaamiyey in xayiraaddii laga qaaday Qaadkii laga keeni jirey Kenya, waxaa Garoonka Aadan Cadde ku soo degtay 25 Diyaarado wada Xamuul Qaad ah.
Afhayeenka Ururka Ganacsatada Qaadka Kenya, Kimathi Munjuri ayaa sheegay inuu Ganacsigooda caadi ku soo noqday, kadib hal isbuuc oo Qaadka laga joojiyey Somalia.
“25 Diyaaradood oo uu dhamaantooda Qaad ka buuxay ayaa shalay oo Khamiis ah ka degtay Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, dalabkana waa sii kordhayaa” ayuu yiri Afhayeenkaasi.
Waxa uu intaasi ku daray in maalintii Arbacadda labo Diyaaradood oo keliya Qaad keeneen magaalladda Muqdisho.
Mar uu ka hadlayey Khasaarihii ka soo gaaray muddadii Qaadka laga joojiyey Somalia, waxa uu tilmaamay inay Ganacsatada Qaadka khasaareen lacag dhan 500 million oo Shillinka Kenya.
Dhinaca kale, Qaadka maalin kasta la keeno Somalia waxaa la sheegay in lagu kharaj gareeyo lacag dhan 400,000 oo Dollar.
©Radio Dalsan