Hadal ka soo baxay Boliska Kenya ayaa lagu sheegay inay Boliska xalay toogasho ku dileen Labo nin oo Somali ah, kuwaasi oo la tilmaamay inay xubno ka yihiinรย Burcad hubeysan oo lagu magacaabo (Super Power Gangs).
Ragga Soomaalida ayaa lagu dilay Xaafadda Eastleigh (Islii) ee magaalladda Nairobi, oo ay Jaalliyadda Soomaalida ku badan yihiin.
Boliska waxay kaloo soo bandhigeen qoryo ay wateen raggaasi la dilay, kuwaasi oo uu Boliska muddo dheer ku raad joogeen.
Kooxda Burcadda Hubeysan ee Super Power Gangs ayaa ka kooban dhallinyaro isugu jirta Kenyan iyo Somalia, kuwaasi oo la rumeysan yahay inay dhac hubeysan ka geystaan magaalladda Nairobi.
รยฉRadio Dalsan