Warar lagu kalsoon yahay oo ay Idaacadda Radio Dalsan heshay ayaa sheegay inay jiraan Beelo badan oo Soomaaliyeed oo ka biyo diidsan qorshaha Madaxweynaha ku diidan yahay in Kursiga Jufadiisa Cali Gaaf ee Beesha Wacaysle noqoto qoondo u gaar ah Haweenka, sida lagu xaqiijiyey Qoraal shalay ka soo baxay Gudoomiyaha dhaqanka beesha Waceysle , Suldaan Maxamed Cabdi Shido ku cadeeyey qoondada haweenka ee beesha Wacaysle.
Beelaha Soomaaliyeed ayaa sheegay inay iyagana qaadici doonaan Qoontada Haweenka ku leeyihiin xubnaha Labada Aqal ee Barlamaanka.
Madaxweyne Xasan Maxamuud ayaa la sheegay inuu doonayo in Kursiga Jufadiisa uu qaato Ku-xigeenka Agaasimaha Madaxtooyadda Somalia, Saadaq Macallim Kariim oo ay Madaxweynaha ehel hoose yihiin.
Beelaha ka digay arrintaasi waxaa ka mid ah Beelaha Hiraab, gaar ahaan Harti Abgaal, Wacbuudhan, Wacaysle, Cayr iyo Saleebaan, waxayna ku goodiyeen inay Tallabadaasi khatar ku keeni karto Qoondada Haweenka ku leeyihiin Aqalka Sare iyo Aqalka Hosoe ee Barlamaanka soo socda.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonaya in Kursiga Qoondada Haweenka ku meel-mariyeo Awood Dhaqaale iyo mid Dowladood, iyadoo ay iskaashanayaan Dowladda Federalka iyo Dowlad-gobaleedka Galmudug.
©Radio Dalsan