Qaar ka mid ah dadka degan inta u dhaxeysa Isgoysyada Sos iyo Ex-koontorool Balcad ayaa waxa ay dhigayaan banaanbax ay uga soo horjeedaan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.
Banaanbaxaas ayaa ka dambeysay markii Ciidamada Amisom ay dileen Saddex ruux oo fadhiyay Goob maqaaxi ah,kadib markii kolonyo ay la socdeen Ciidamada Amisom qarax miino lagula eegtay Isgoyska Ex-koontorool Balcad.
Dadka banaanbaxa dhigaya ayaa ku dhawaaqaya Erayo ay ka mid yihiin Amisom doonimeyno,iyaga oo Wadada ku xiray dhagxaan iyo Taayaro ama Shaagag ay gubeen.
Banaanbaxa ayaa weli socda,waxana goobta isaga tagay Ciidamada Amisom ee qaraxa lala eegtay kadib markii ay Saddex ruux ku dileen rasaas ay ku fureen dad fadhiyay maqaaxi ku taalla agagaarka Ex-Koontorool Balcad.