Golaha Iskaashiga oo War ka soo saaray jahwareerka Siyaasadeed ee Koonfur Galbeed

War qoraal ah oo ay soo saareen kadib wadatashi ay sameeyeen Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa waxa ay cambaareeyeen faragelin ay sheegeen in dowladda Federaalka ku heyso Doorashada Maamulka Koonfur Galbeed.

Waxa ay sheegeen in xildhibaanadii ugu  badnaa ee Koonfur Galbeed loo qaaday dhinaca Muqdisho si loogu qanciyo inay doortaan musharax ay wadato dowladda Soomaaliya.

Qoraalkooda ayaa Golaha Iskaashiga waxa ay sidoo kale ku sheegeen in faragelinta dowladda Soomaaliya ku heyso doorashada Koonfur Galbeed ay keeni karto colaad beeleed iyo in deegaanada Koonfur Galbeed qaarkood ay dib ula wareegaan Al-Shabaab.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeed ay soo saareen Madaxda Maamul goboleedyada,Jubbaland, Koonfur Galbeed, Puntland iyo Galmudug.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor