Axmed Madoobe oo kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Cusub

Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble, waxaana laba mas’uul ay ka wada hadleen arrimo la xariira marxaladda kala guurka ah ee dalku marayo.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa kulanka uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble waxaa uu ahaa kulan ay si gaar ah iskula gorfeyeen waqtiga doorashada.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa kawada hadley in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii dalku uga gudbi lahaa waqtiga kala guurka doorashaduna ku qabsoonto sidii loo qorsheeyey.

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble waxaa uu kulamo gaar gar la yeeshay tan iyo markii ay Xildhibaanadu ansixiyeen qaar ka mdi ah madaxda mucaaaradka iyo sidoo kale qaar ka mid ah Madaxda dowlad Goboleedyada dalka ka jira.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media