R/Wasaare Rooble “Xaafiiskeygu waa mid 24 ka saac u furan Saamileyda Siyaasadda”

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan C/Shakuur Warsame, waxaana ay ka wada hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Kulanka oo aha mid xasaasi ah ayaa ka dhacay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxana ay ka wada hadleen labada mas’uul arrimaha doorashooyinka, iyadoo si weyn ay u wada gorfeeyeen sidii doorashadu waqtigeeda ugu dhici laahyd, loogana fogaan lahaa wax waliba oo dib u dhaca ku keeni kara doorashada loo madalsan yahay in dalka ay ka dhacdo dhammaadka saandkaan iyo billowga sanadka dambe.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa war uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in Xafiiskiisu uu yahay mid u furan dhammaan Saamileyda siyaasadda dalka, uuna gacmo furan kusoo dhaweynayo qof waliba oo danta dalka iyo dadkaba ka shaqaynaya.

“Waxaan Maanta kulan Qiimo leh aan wada yeelanay Hugaamiyaha Xisbiga Wadajir Abdirahman Abdishakur Warsame oo aan wada Gorfeeynay Arimo badan oo ay ugu horeyso sidii lagu qaban lahaay Doorasho aan waqtigeeda dib uga dhicin .Xaafiiskeygu waa mid 24 ka saac gacmo furan kusoo dhaweynaayo Saamileyda Siyaasadeed” ayuu yiri Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya.

Rooble ayaa waxaa la filayaa in dhawaan uu ku dhawaqo golahiisa wasiirada, waxaana maal-maha soo socda la filayaa in uu ku dhawaaqo, iyadoo ay xusid mudan tahay in waqtigu uu yahay mid aad u yar, maaddaama dhawaan dalku uu doorasho gali doono.

Comments
Loading...