Dagaalyahano la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Xarakadda Alshabaab ayaa waxay Waaberigii hore ee saakayto weerar qaraxyo ah la beegsadeen Bank iyo 2 Hotel oo ku yaalla Degmadda Mandera ee W/bari ee dalkaasi.
Guddoomiyaha Gobalka Mandera, Frederick Shisia ayaa sheegay in Askariga Kaydka lagu dilay weerarka, isagoo ku sugan goob laga cunteeyo oo u dhow Guriga G/Xigeenka Mandera.
Boliska iyo Milliteriga Kenya ayaa waxay saakayto gaareen Bangiga Equity Bank ee la qarxiyey, waxaana burburay qeyb ka mid ah Derbiyadiisa iyo Muraayadaha Daaqadaha.
Ciiddanka Milliteriga Kenya waxay isku gedaameen goobihii uu qaraxu saameeyey oo kala ahaa Bangiga Equity, Hoteelka Jabane iyo Dukaan lagu iibiyo Cuntada, kuwaasi oo ka soo horjeeda guriga uu deggan yahay Guddoomiye-xigeenka Mandera.
Ciiddanku waxay baareen haddii ay qaraxyo kale weli yaallaan Dhismayaasha ay Alshabaab weerareen.
Magaalladda Mandera waxaa weli saaran Bandow laga soo bilaabo 06:00 maqribnimo ilaa 6:00 Aroornimo.
©Radio Dalsan