Ilo dhinaca Ammaanka ayaa sheegay in 5 Askari lagu dilay Bartamha Siinaay.
Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegtay in Askartaasi lagala degay Gaari rakaab oo ay la socdeen, kadibna la wada toogtay.
Kooxihii toogashadda geystay ayaa la sheegay inay baxsadeen, mana jirto koox sheegatay dilkaasi.
Dhinaca kale, Wafdi ka socda Dhaqdhaqaaqa XAMAAS ee Falastiin ayaa booqanaya magaalladda Qaahira, waxayna Madaxda dalka Masar kala hadli doonaan Xaalladda Bariga Dhexe.
Wafdiga XAMAAS waxaa hoggaaminya Ismaciil Haniyah oo ka mid ah Madaxda Dhaqdhaqaaqa XAMAAS, wuxuuna safarkooda ku soo beegmay iyadoo Yuhuudda sheegtay inay 566 guri ka dhisi doonaan Bariga magaalladda Quddus-ta La-haysto.
©Radio Dalsan