Daacish oo toogatay rag u dhashay Holland oo ka tirsanaa Kooxdaasi.

8 qof oo u dhashay dalka Holland ayey la sheegay inay Daacish Jimcihii hore ku toogteen Degmadda Maadan ee Gobalak Raqah ee dalka Syria, waxaana dadkaasi lagu eedeeyey inay doonayeen inay ka baxsadaan goobaha dagaalka.

Saraakiisha Daacish waxay kaloo amreen in la soo wada qabto dadka haysta dhalashadda Holland ee ka tirsan Daacish, kadib, markii looga shakiyey qorshooyin ay ku doonayaan inay ka goostaan Kooxdaasi mayalka adag.

Ku-dhawaad 200 oo u dhalatay dalka Holland oo ay ku jiraan 50 haween ayaa ku biiray Kooxda Daacish, kuwaasi oo ka dagaalama dalalka Syria iyo Iraq.

Dhinaca kale, Hoggaamiyaha Kooxda Daacish, Ibrahim Awad Ibrahim al-Badri , laguna naanayso Abu Bakar Albaqdaadi ayaa ku amray Maleeshiyadiisa inay baadi-goobaan,  isla markaana u soo qabteen Xaaskiisa oo ka baxsatay.

Haweeneydaasi oo u dhalatay dalka Jarmalka, laguna magacaabo Diyaane Kuruger, ayaa la sheegay inay ka baxsatay Deegaanadda ay Daacish ka haystaan dalka Ciraaq, iyadoo ay wehliyeen labo haween oo kale.

Abu Bakar Albaqdaadi waxa la sheegay in Xaaska ka baxsatay uu guursaday bishii October ee sannadkii hore, xilligaasi oo uu ku sugnaa Gobalka Ninawa ee dalka Ciraaq.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor