Ciidamo ka tirsan kuwa amniga dowladda ayaa xalay gacanta kusoo dhigay Askari ka tirsan Ciidanka Booliska oo maalintii sabtida aheyd ee todobaadkan Magaalada Muqdisho ku dilay Darawal waday gaari nooca xamuulka qaado ah.
Dilka uu geystay Askariga la soo qabtayn ayaa waxaa uu ka dhacay Isgoyska Digfeer ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, waxaana Darawalka loo geystay uu ahaa mid waday gaari nooca xamuulka qaado oo siday qalab dhismo.
Saraakiil ka tirsan laamaha amniga dowladda ayaa waxaa ay sheegeen in Askariga ka tirsan Ciidanka Booliska ee dilka geystay uu xiran yahay, kaasi oo markii falka uu geystay goobta ka baxsaday, hayeeshee lasoo qabtay.
Inta badan Askarta Ciidanka dowladda ayaa Magaalada Muqdisho si bareer ah dilal kala duwan uga geysta dad shacab ah iyo darawalada gaadiidka gaar ahaan dhalinyarada ku shaqeysata Mooto bajaajta.