Waxaa xalay saqdii dhexe dab xoogan uu ka kacay Xarunta Bankiga Dhexe Soomaaliya ee ku taalla Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir, kaasi oo socday daqiiqado dhowr.
Dabkaan ayaa markii hore sida la sheegay ka bilowday qeyb kamid ah Xarunta Bankiga Dhexe, balse markii dambe waxa uu kusii faafay qeybo kale oo kamid ah Xaruntaas.
Xarunta uu ka kacay dabka ayaa waxaa tegay waaxda gurmadka Deg-deg ah ee dab demiska Dowladda hoose ee Xamar, iyagoona ku guuleystay inay deminta dabka.
Sidoo kale deminta dabkaas ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahan Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.
Majirto wax Khasaaro ah uu dabkaas geystay. waxaana saraakiisha amniga ee Bankiga Dhaxe ay sheegeen sheegeen in uu dabkaasi ka dhashay Koronto.