2 ka tirsan Boliska dalkaasi ayaa la sheegay inay maanta ku geeriyoodeen shil ka dhacay Deegaanka Waa, inta u dhexeysa jidka isku xira Deegaanadda Likooni iyo Ukunda ee dalkaasi.
Askartaasi oo saarnaa Mootadda nooca Bajaajka ee Kenyanka u yaqaanaan Tuk-Tuk waxay si fool-ka-fool ah isugu dhaceen Gaari Bas ah oo ku sii jeeday Deegaanka Likooni
Hadal ka soo baxay Boliska dalkaasi ayaa lagu sheegay inay labadii Askari ku geeriyoodeen Shilkaasi, halka 6 qof oo ka mid ahaa rakaabkii la socday Baska uu soo gaaray dhawaacyo fudud.