Madaxweynihii hore ee Galmudug oo booqasho ku tegay Hargeysa

Ilo-wareed uu soo xigtay Wargeyska Geeska Afrika ee ka so baxa Somaliland ayaa sheegay inuu Madaxweynihii hore ee Galmudug, Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” uu socdaal ku joogay magaalladda Hargeysa ee Maamulka Somaliland.

 

Xaaf ayaa la sheegay inuu socdaal dhulka ah ku tegay Hargeysa, isagoo ka soo baxay Gaalkacyo, siin maray Gobalka Sool oo uu uga sii gudbay Hargeysa.

 

Ma cadda ujeedada rasmiga ee Socdaalka uu ku tegay Hargeysa, inkastoo uu Axmed Ducaale Xaaf yahay Ganacsade caan ka ah Geeska Afrika oo hawlgalo Ganacsi ballaaran ku leh, oo ay ku jirto Somaliland.

Xaaf ayaa ahaa ganacsade intuusan noqon madaxweynaha waxaana uu wargeysku sheegayaa in marar badan uu sidaan u yimid mar uu ka so laabtay Dubia isagoo ah Madaxweynaha Galmudug waxy diyaaradaha ku kala badashay Hargeysa isagoo kadib yimid Cadaado oo saldhig u aheyd maamulkiisa.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media