Gudiga joogtada ee Golaha aqalka Sare ayaa Maanta waxa ay kulan ku yeelanayaan Xarunta aqalka Sare ee Magaalada Muqdisho,iyada oo ay ka hadli doonaan qodobo dhowr ah.
Guddiga oo shalay kulan yeeshay ayaa isla soo qaaday qodobo uu ka mid ahaa khilaafka xoogan ee u dhaxeeya dowladda iyo Dowlad Goboleedyada.
Guddiga joogtada ee aqalka Sare ayaa Maanta la filayaa in ay Magacaabaan Guddi ka socda Aqalka Sare kaas oo loo xilsaarayo dhex dhexaadinta khilaafka dowladda iyo Dowlad Goboleedyada.
Xukuumadda Federaalka ayaa horay u soo magacaawday Guddi wasiiro ah,kuwaas oo wadahadalada u matalaya,waxaan sidoo kale Guddi laga sugayaa dhankooda Madaxda Dowlad goboleedyada.
Sidoo kale Guddiga joogtada ee Aqalka Sare ayaa Maanta wax ay Go’aamin doonaan waqtiga rasmiga ah oouu hor imaan doono si ay su’aalo u weeydiiyaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.