Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed horayna u soo noqday wasiirka amniga xilligii dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa jawaan ka bixiyay qoraal ka soo baxay Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya.
NISA ayaa sabtidii shalay shaacisay in la hakiyay qandaraasyo mallaayiin dolar uu ku kacayo oo uu horay u saxiixay Wasiirkii hore ee Amniga Cabdirisaaq Cumar Maxamed balse warkaas uu ka jawaabay.
Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayuu Xildhibaanku ku sheegay in Warka NISA uu yahay dacaayad raqiis ah,,isla markaana uu nasiib darro ku tilmaamay in NISA ay isku bedeshay NSS-tii Kaligii taliska.
NISA oo Masuul xil horay u hayay si daahfurana xilkaas ugu wareejiyay Masuulkii xilka kala wareegay in aay dacaayad raqiis ah baraha bulshada soo dhigaan 2 sano ka dib iyado loga gol leeyahay in la isku cabsi geliyo. Waxaa nasiib darro ah in NISA iskubedeshay NSStii kaligitaliska ayuu yiri Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed.
NISA oo Masuul xil horay u hayay si daahfurana xilkaas ugu wareejiyay Masuulkii xilka kala wareegay in aay dacaayad raqiis ah baraha bulshada soo dhigaan 2 sano ka dib iyado loga gol leeyahay in la isku cabsi geliyo. Waxaa nasiib darro ah in NISA iskubedeshay NSStii kaligitaliska https://t.co/fdiy8I6fAm
— Abdirizak Mohamed MP (@AbdirizakOm) November 3, 2018
NISA sirasmi ah uma shaacin nooca qandaraasyadaas ku kacaya mallaayiinta doolar oo ay hakisay,isla markaana uu horay u saxiixay Wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya xilligii dowladii Madaxweyne Xasan Sheekh Cabdirisaaq Cumar Maxamed.