Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyihii degmada Howl-wadaag Cabdi Kariin Cali Kaar.
Digreetada ka soo baxday Xafiiska Duqa Muqdisho ayaa sirasmi ah xilkaasi looga xayuubiyay guddoomiyihii degmada Howl-wadaag,waxana guddoomiye degmadaas loogu Magacaabay Mahad Cabdi Caraale oo ka tirsanaa Shaqaalaha Gobolka Banaadir.
Duqa Muqdisho ayaa horay waxa uu xilalka uga qaaday guddoomiyeyaashii degmooyinka Deeyniile,Shangaani iyo Waaberi iyo degmooyin kale,isaga oo guddooiyeyaal kale u Magacaabay.
Guddoomiyaha Cusub ee degmada Howl-wadag Mahad Cabdi Caraale ayaa ah Nin Dhalinyaro ah kana tirsanaa Shaqaalaha Gobolka Banaadir.